Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo la filayo in 1-da August 2026 uu furmo Kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa maanta kulan yeeshay Guddiga Joogtada ah, kaas oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), iyada oo looga hadlay u diyaar garowga Kalfadhigga Baarlamaanka.
Inta uu socdo shirkan oo maalmo qaadan doono ayaa waxaa looga doodi doonaa qorshaha shaqo ee Kalfadhiga 8-aad, jadwalka kulamada Golaha, mudnaanta sharciyada horyaalla, iyo arrimo kale oo muhiim u ah horumarinta howlaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah si faahfaahsan ugu sharraxay habraaca uu shirka u socon doono, iyo sidoo kale qodobada muhiimka ah looga doodi doono.
Dhankiisa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga mahadceliyey ka soo qeyb galkooda shirka, isagoo xusay in shirkan uu laf-dhabar u yahay diyaarinta iyo dardargelinta howlaha horyaalla Golaha Shacabka Kalfadhiga 8-aad, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta hannaanka shaqo ee Golaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo si rasmi ah u furtay shirka ayaa sheegtay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay isku dubbaridka shaqooyinka Golaha iyo dejinta qorshe cad oo lagu wajahayo ajendayaasha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo ay ku boorrisay xubnaha Guddiga Joogtada ah inay si hufan, masuuliyad leh, isla markaana wadashaqeyn ku dheehan tahay uga doodaan qodobada horyaalla, si loo gaaro go’aanno waxtar u leh Golaha iyo guud ahaan dalka.
Sacdiya Yaasiin ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay in Golaha Shacabku uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli baarlamaanku horyaallo ajendayaal culus oo saameyn ku leh jihada siyaasadda dalka, kuwaas oo la filayo in si weyn looga doodo toddobaadyada ugu horreeya ee kalfadhiga.


