Maareeye: Somaliland maaha maamul lamana dhihi karo waa aflagaado qaawan oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Maareeye oo hadda ka tirsan Xildhibaanada BFS, ayaa si kulul u dhaliilay shaqsiyaadka ka tirsan DFS ee Somaliland ku tilmaamay maamul Goboleed.

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay inuu aad u dhibsanaayo shaqsiyaadkaas Somaliland la meeldhigaaya maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka, waxa uuna cadeeyay inay ka weyn tahay maamul Goboleed.

Xildhibaan Maareeye ayaa tilmaamay in dowlada Federaalka ah ee Somalia laga doonaayo inay la imaado eray ka duwan kan ‘’maamulka Somaliland’’, waxa uuna sidoo kale xusay inay dhaliilayaan qoondada Somaliland uga soo aaday miisaaniyadda sanadka 2018.

Waxa uu Maareeye sheegay in Somaliland aysan u qalmin in lasiiyo qoondo lamid ah tan lasiiyay maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ‘’Somaliland maaha  maamul yar lamana dhihi karo waa aflagaado lacagta labada boqol ee loo qoondeeyayna maahan mid ay u qalanto waxaana codsanayaa in aan loogu yeerin magaca maamul Gobaleed sida kuwa kale’’

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay inay danqaneyso boog haddii uu maqlo shaqsi Somaliland ku sifeynaaya maamul Goboleed, waxa uuna ka digay in la yiraahdo ‘’Maamulka Somaliland’’ sida uu hadalka u dhigay.

Maareeye ayaa ka tirsan Xildhibaanada BFS u matala dhanka maamulka Somaliland, waxaana leys weydinayaa waxa kusoo beegay hadalka uu ku difaacayo Somaliland xili uusan horay u kala jecleen qodobka iminka xanuun jinaaya.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay inay ka go’een Somalia inteeda kale sanadii 1991, hase ahaatee aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com