Xog: Xildhibaano laga mamnuucay galitaanka madaxtooyada Kismaayo + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxtooyada maamulka Jubbaland laga mamnuucay Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in amarka Madaxtooyada looga mamnuucay Xildhibaanada uu bixiyay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.

Xildhibaanada laga mamnuucay galitaanka Madaxtooyada ayaa la sheegay inay garab u yihiin Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka oo uu khilaaf adag kala dhexeeyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Xildhibaanadan loo diiday gali taanka Madaxtooyada maamulka ayaa waxaa ku jiro ilaa Todobo Xildhibaan oo Hogaamiyaha maamulka ugu goodisay inay ku sameyn doonaan xil ka qaadis.

Xildhibaanada laga mamnuucay Madaxtooyada ayaa qaarkood sheegay inaanu qaban doonin amarka looga mamnuucay xarunta.

Axmed Madoobe ayaa maalmahaan la kulmaaya duufaano Siyaasadeed oo u muuqata inuu ku weyn doono xilkiisa, waxaana sidoo kale la mamnuucay dhammaan shirarka looga soo horjeedo Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com