Xildhibaan lagu xiray Kismaayo iyo xiisad dhalisay hub uruursi oo taagan

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xabsi dhigay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka kadib markii uu wax kama jiraan ku tilmaamay Xasaanad ka qaadis lagu sameeyay.

Xariga Xildhibaankan lagu magacaabo Axmed Taajir, ayaa xiisad ka dhex dhaliyay ciidamada maamulka iyo maleeshiyo beeleed hubeysan oo la sheegay inay isku horfadhiyaan qeybo kamid ah magaalada.

Xiisadan ayaa dhalatay ka dib markii ciidamada maamulka Jubbaland ay Hotelka Agan ee Magaalada Kismaayo, kala baxeen xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa Xildhibaanada Jubbaland, kadib markii uu sheegay inaanu garaneynin halka laga soo maanguuriyay sharciga xasaanada looga qaadayo Xildhibaanka.

Axmed Taajir, ayaa dhaliilsanaa Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, taasoo loo arkay inay dhabaha u xaartay xasaanadda la sheegay in lagala noqday.

Ciidamada Jubbaland ay si weyn u adkeeyeen Ammaanka, waxaana xiran wadooyinka qaar ee Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, Ciidamada maamulka ayaa la faray inay xirxiraan maleeshiyaadka daacada u ah Xildhibaanka ee is uruursiga kawada magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com