Wasiir Cawad oo ka xog waramay diyaarinta qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay bilowday diyaarinta qorshaha ciidamada AMISOM looga saari lahaa guud ahaan Somalia.

Wasiir Cadow, ayaa sheegay in hirgalinta qorshahaasi ay ka qeybqaadan doonaan Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan taliska ciidamada AMISOM.

Waxa uu wasiirka sheegay qorshaha ugu horeeya uu noqonaayo tiro koobka goobaha ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho, Gobolada iyo Tuulooyinka dalka.

Waxa uu tilmaamay in dhammaan goobahaasi ay faarujin doonaan ciidamada, isla markaana lagu buuxin doono ciidamo ka tirsan dowlada oo si rasmi ah loogu wareejin doono amniga.

Wasiirku waxa uu xusay in ka hor bixidda ciidamada AMISOM ay muhiim tahay helidda Ciidan Soomaaliyeed oo diyaarsan kuwaas oo amniga dalka oo dhan la wareegi doona.

Sidoo kale, Wasiir Cadaw, waxa uu sheegay in diyaarinta qorshaha lagu saaraayo ciidamada AMISOM uu horay usoo bilowday, haddana uu maraayo heer gabagabo, hase yeeshee ay xooga saari doonaan sida lagu dhameystiri lahaa.

Docda kale, Madaxweynayaasha Kenya iyo Ugandha ayaa laba maalin un ka hor ka digay in ciidamada AMISOM laga saaro Somalia oo aan weli isku filneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com