Axmed Madoobe oo wajahaya jahwareer siyaasadeed heerkii ugu sarreeyay

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa weli ku dhex jira jahwareer Siyaasadeed oo uu kala kulmaayo labada Gole ee maamulka Jubbaland.

Jahwareerka ugu badan ayaa Hogaamiye AxmedMadoobe  kala kulmaaya Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka oo waayadan ay aad isugu dhacsanaayen Madoobe.

Khilaaf Siyaasadeedka iminka taagan ayaa soo jiitamaayay muddo ku dhow Seddex asbuuc waxa uuna u muuqdaa mid iminka soo ifbaxay.

Khilaafka u dhexeeya Hogaamiyaha Jubbaland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka, ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay shaqada labada Gole ee maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in Hogaamiyaha uu is hortaag ku sameeyay kulamo badan oo dhici lahaa.

Hogaamiyaha maamulka ayaa doonaaya in mar kale uu kusoo laabto xilka, waxaana arrintaas is hortaag ku sameeyay qaar kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka oo tashkiilin kula dhaqaaqay Guddoomiyaha baarlamaanka oo aad ugu dhawaa Madoobe.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka ayaa sidoo kale garab boodaaya Guddoomiyaha baarlamaanka oo isagu culeys xoogan ku haya Hogaamiyaha oo adeegsanaayo awooda uusan horay u laheyn.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa gaaray heerkii ugu xumaa waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Madoobe uu diiday inuu la kulmo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka.

Geesta kale, Jahwareer Siyaasadeedka heysta Axmed Madoobe ayaa u muuqanaaya ay gacan ku leeyihiin Siyaasiyiin dhowr ah oo haminaaya inay Hogaamiye ka noqdaan Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com