Yariisow oo go’aan lama filaan ah ka qaatay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo maanta tagay Aqalka Dowladda Hoose ayaa markii ugu horeysay Kulamo la qaatay Gudoomiyaha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Injineer Yariisow waxa uu Gudoomiyaasha Degmooyinka kala hadlay sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen, waxayna wada gorfeynayeen dhabaha ay u marayaan wada shaqeyntooda.

Warbixin kooban ayuu ka dhageystay Gudoomiyaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna ku sharaxayeen Warbixintooda Hab shaqeydka Degmooyinka ay gudoomiyaasha ka yihiin, Waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo Arrimo kale.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Meesha ka saaray Warar Magaalada La isla dhex marayo ee ah in Gudoomiyaha 17-Ka Degmo ee Gobolka Xil ka qaadis lagu sameynayo.

Waxa uu sheegay in aanan jiri doonin Xil ka qaadis deg deg ah oo uu sameyn doono, Ballan qaad buuxo ayuu ku siiyey in aanan jirin Qorshahaasi.

Kulamada lagu hormarinayo Caasimadda ayuu kala hadlay, si gaar ah waxa uu soo hadal qaaday Amniga, Nadaafadda, Is dhex galka Bulshada iyo Shaqooyin Xoogga oo dib loogu celinayo Bilicdii ay laheyd.

Waa kulankiisii ugu horeeyey uu la qaato Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo Markii Xilka Duqa Muqdisho loo Magacaabay 21-kii bishaan, Waxa uuna Xalay la wareegay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.