DF oo shaacisay rajadeeda ku aadan qabashada mid kamid ah xilalka ugu muhiimsan IGAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dadaal ay dowlada Somalia ugu jirto hanashada xilka Xoghayaha Fulinta Urur goboleed IGAD.

Dowladu waxa ay sheegtay inay ka dhabeyn doonto dadaalada ay ugu jirto qabashada xilka, iyadoo loo maraayo dhammaan shuruudaha lagu qabankaro xilka.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka hadlaayay dadaalka ay wado dowlada ayaa sheegay inay wataan musharax u tartami doono xilka Urur goboleedka IGAD.

Wasiir Cawad, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxda Midowga Afrika kala hadlay sidii  Somalia ay u heli laheyd xilka Xoghayaha Fulinta Urur goboleed IGAD, iyadoo aan la eegin dhammaan culeysyada jira.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay dadaal dheer ku bixin doonto helidda Xilkaasi, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday in mudada uu ku magacaaban yahay xilka inuu ka shaqeyn doono soo celinta dhammaan xilalka ka lumay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa ka sheegay in Somalia ay si rasmi ah u buuxin doonto dhammaan kuraasta ka maqan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com