Haddaad dooneyso inaad Farxad la ilmeyso halkaan soo fiiri !

“FADLAN AKHRI, SIINA FAAFI”

Inkastoo in badan oo wakhtiyadeena kamid dhagaheenu ay maqlaan dhibaatooyin ay kamjd yihiin guul-darooyin, qaraxyo, dad dhintay, kuwa halaagsamay, kuwa barakacay, kuwa dooni la degtay, kuwa gardarro lagu laayay, iyo kuwayaal sidaas iyo si kaloo ka naxdin badan ay soo wajahday, balse maanta aan dhammaanteen istaagno, dhoolla caddeyno islamarkaana hal mar si niyad furan aan ku kabbano koobka FARXADDA ee maantay ina hor yaalla.

Dabcan arintan waad u fahmi kartaa iney tahay mid aanan adiga, iyo in kaleba aysan muhiimmad weyn u lahayn ama aanay idin FARXAD gelin; waayo waxaa dhici karta inaad ku nooshahay Galbeedka, ama wadamada qaan-gaaray ee fursado isku mid ah u yagleelay dadkooda; wiilasha & gabdhaha, duqoowda iyo dhallaanka, naafada iyo kuwa aan naafad ahayn iney hellaan xuquuq aas-aasiya oo isku mid ah.

Waxaa dhici karta in halkaad ku noloshahayinaadan gawaarida meel walba dhigan karin, gaadiidka dadweynaha, basaska & tareemadana aadan meel walba ka raaci karin, maadaama goobahaas loogu tallo galay dadka naafada ah oo ay xuquuq ahaan iyagu in badan ka mudan yihiin kuwa itaalka leh.

Waa hubaal aan la dafiri karin in ruux walba imtixaanka nololeed ee dunidan uu wajahayo khibrado nololeed oo go’aaminaya mustaqbalka noloshiisa. Qof waliba waxaa hoos taallo in isaga dhibaato ugu filan, balse la doonayo inuu ka gun gaaro, kana guuleysto gal-daloolooyinka nololeed ee ku gadaaman. Dhinaca kale, bal qiyaas ruuxa naafada ah dhibaatooyinka & hagardaamooyinka nololeed ee uu wajahayo iyo sida uu u maareyn karo meelaha qaarkood. Kawaran ruux naafada ah ee ku nool dal fakhriya oo aanan adeeg aasaasiya siin karin kuwiisa naafada ah, kuwa da’da ah iyo kuwa danyarta ah ee daadsan darbiyada waddankaas.

Bal qiimee ruux naafo ku ah oo Soomaaliya oo ay adag tahay sida uu gaadiidka ku raaci karo, sida uu u qabsan karo adeegyada aasaasiga ah ee noloshiisa, sida aanu u heli karin wiish ama agab uu ku gallo dhismayaasha qaar, sida aanu u awoodin inuu wax waliba oo uu jecel yahay sameeyo, balse haddana muujiyay guul iyo hoga-tusaalleyn dhammaanteen na farxad gelisay noona jeexday dhabbe aan ku dayan karno.

Bal kawaran, ruuxa intaas oo xaqiiqooyin ah ay ku hareeraysan yihiin haddana kasoo dhex-muuqday oo ku guuleystay in noloshiisa uu gaarsiiyo heer ay kuwo faro-badan oo naga mid ah u bareeri waayeen. Kawaran ruuxa niyaddiisa iyo teenaba tusiyay in isaga oo Ilaahay SWT u qaddaray naafanimo, haddana qabtay oo ka dhabeeyay riyo ay adag tahay iney rummeyn karaan qeybo badan oo inaga mid ah.

TUSAALAHA NOOL “NAAFANIMADU NUSQAAN MAAHAN”

Ardaydii ka qalin-jabisay Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho iyadoo ay dhammaantood hambalyo iyo bogaadin mudan yihiin, haddana waxaa indhaheyga, dareenkayga iyo dareenka boqolaal Soomaaliya soo jiitay oo baddalay qallin jabiye Ismail Raage oo noqday Tusaalaha nool ee dalkeena. Walaalkeen waxa uu muujiyay karti, dhabar-adayg iyo hufnaan waxa uu dhammaanteen na tusiyay in Naafanimadu aysan ahayn nusqaan balse ay tahay xaqiiqo u baahan inaad wajihi karto kana lib gaari karto Ilaahay idankiis.

Waa halka uu Ilaahay Suuradda Zumar ku caddeeyay in:

“إنما يوفى الصا برون أجرهم بغير حسا ب ”

“Kuwa ku dulqaata/sabra dhabar-adeygooda waxaa u sugnaatay abaalmarin aan qiyaas lahayn” (10d)

HALYEEYGA HALA AQOONSADO

Fiicnaan lahaydaa, oo weliba fiicnaan lahaydaa haddii walaalkaas oo kale la dhiiri-geliyo , lana guddoonsiiyo abaalmarino taariikhiya si uu qaar badan oo inaga mid ah u dhiiri-geliyo. Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyo  Abdirahman Omar Osman, Xafiiska RW Hassan Ali Kheyre, Madaxweyne Farmaajo iyo Teamka Villa Somalia waxaan ka filaynaa in dadaalka walaalkaas uu muujiyay lagu aqoonsado, la abaal-mariyo, la bogaadiyo lana guddoonsiyo abaal-marino taariikhiya si kuwa kale oo badan uu dhiiri-geliye ugu noqdo. Waxaan soo xasuustay Ralph Braun oo uu 2013-kii madaxweyne Obama guddoonsiiyay abaal-marinta horyaalnimada isbaddelka. Ralph Braun waxa uu ahaa naafo, waxa uu alifay maamulana ka ahaa shirkadda Braun ee sameysa gawaarida ay adeedsadaan dadka naafada ah.

YAA TAARIIKHDA GALAY

Ismail Raage waxa uu inooga dhigan yahay halyeeyadii hore taariikhda u galay ee muujiyay in naafanimmadu aysan ka reebi karin iney noloshoodu gaarto himilooyinka ay rabto. Waxa uu inooga dhigan yahay saxaabigii weynaa ee Cabdulaahi Ibnu Umi Maktuum ee ay kusoo dageen aayadaha ugu horeeya ee suuradda Cabasa. Dhinaca kale, aduunyadan waxa uu Ismaaciil inooga dhigan yahay shakhsiyaadka tusaalaha noqday ee ugu horeeyo madaxweynihii Mareykanka #FRANKLINDE ROOSEVELT (1933-1945) oo ahaa madaxweyne isagoo saaran Wheel Chair dalkan ka talin jiray. Waxa uu halyeeygan inooga dhigan yahay Hellen Keller, haweenaydii Mareykanka ahayd ee aanan aragga iyo maqalka lahayn ee ka baxday Jaamacad kadibna noqotay qoraa caan ah iyo shakhsi udhaq-dhaqaaqa xuquuqda. Ismaaciil waxa uu sidoo kale nooga dhigan yahay fiisigis yaqaanka reer Britain Stephan hawking oo ah ka tirsan waaxda kuwaantam fiisigiska iyo cilmi falagga ee jaamacadda University of Cambridge. Ismaaciil waxa uu inooga dhigan yahay Lenín Moreno madaxweyne ku xigeenkii naafada ahaa ee Ecuador 2007-2013.

Ismaaciil waxaan Ilaahay kaaga rajeynayaa guullo-taariikhiya oo is daba yaalla Insha Allaah, waxaad tusaalle u noqotay dhammaanteen.

Fadlan waxaan ugu dambeyntii leeyahay hala muujiyo sida aan ugu faraxsanahay, u garab taaganahay, uguna riyaaq sanahay guusha taariikhiga ah ee uu maanta garabkiisa suray walaalkeen.

ILAAH baa Mahad leh
Ismaaciil Baa Mudnaan Leh
Adiguna Qeybtaada haka tagin “SHARE”
HAMBALYADU YAAN LOO KALA HARIN

W/Q ABDIQAFAAR A SHIRE