27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xaaladda Muqdisho ee saaka iyo dibad-baxii mucaaradka oo u muuqda in uu fashilmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda Muqdisho ayaa saaka degan, inkastoo ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inuu dhaco iska hor-imaad, iyadoo aan ilaa hadda hirgelin dibadbaxii ay mucaaradka ku baaqeen inuu bilowdo 7:00 subaxnimo.

Shacabkii ay mucaaradka maalmahan oo dhan ugu baaqayeen in ay isu soo baxaan ayaa u muuqda in aysan warkooda dhageysan, taasi oo niyad-jab weyn ku ah mucaaradka.

Sidoo kale, jidadka waaweyn ee magaalada ayaa si weyn loogu arkayaa ciidamo aad u hubeysan, qaarkoodna wajiyadu u duuban yihiin, kuwaas oo lagu daadiyay inta badan isgoysyada muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay hareereeyeen afaafka hore ee guri ay ku sugnaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Koofi.

Ciidamadaas, oo isugu jira noocyo kala duwan, ayaa la sheegay inay ka hortagayaan bannaanbaxa maanta la qorsheeyay inuu ka dhaco gudaha caasimadda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo badan lagu hareereeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo ku yaalla xaafadda Mirinaayo, taasoo ka hor istaagtay inuu kasoo baxo guriga.

Dhinaca kale, musharrax Xasan Cali Kheyre, oo degan agagaarka Jazeera Hotel, ayaa la sheegay inuu aroor hore isku dayay inuu u baxo degmada Dayniile, balse ciidamada dowladda ayaa kasoo celiyay meel ka soo horjeedda guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku dhow xarunta Shabeel.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dood dheer kadib Xasan Cali Kheyre uu dib ugu laabtay gurigiisa.

Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa u muuqda kuwo looga hortagayo bannaanbax ballaaran oo ay maanta qorsheeyeen mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu ka dhici lahaa qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Mucaaradka ayaa bannaanbaxa ku tilmaamay kii ugu weynaa, kaas oo ay sheegeen in lagu muujinayo cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo muranka ka taagan burburinta dhulal danguud ah.

Balse Dowladda Soomaaliya ayaa saacado ka hor war kasoo saartay bannaanbaxa ay qorsheeyeen mucaaradku, iyadoo sheegtay inay oggolaatay in dibadbaxa la qabto, balse ku xirtay in lagu qabto oo keliya garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow Stadium.

Mucaaradka ayaa ku gacan sayray waxayna sheegeen in ay banaan-baxa ka dhigayaan magaalada oo dhan, balse ma muuqato in ay taas ku guuleysteen, kadib markii shacabka ay diideen in ay usoo baxaan.

Dhinaca kale, inkasta oo amniga la adkeeyey, xaaladda magaalada iyo isu socodka shacabka ayaa caadi ah, waxaana muuqata in dadka ay wataan noloshooda caadiga ah, oo aysan ku milmin siyaasadda iyo dhinacyada is-haya.

- Advertisement -

Read more

Local News