Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaara Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.
Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha, ayaa safiirka la-wadaagay 4 qodob oo xasaasi ah, kuna aadan dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dib-u-dhiska dalka iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin dadweyne oo ka qabsoonta dalka.
Sidoo kale, Xamza ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Waxaa kal oo uu bogaadiyey doorka ay xukuumadda Dooxa ka qaadato, amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya.
Dhankiisa Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada dal.
Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah mid bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha dalka.
Qatar ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.


