Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalinta berri lagu wado inuu ka dhaco bannaanbax ay soo abaabuleen kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bannaanbaxan oo horey ay u iclaamiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ayaa laga cabsi qabaa inuu isku beddelo mid rabshado wata, maadaama la filayo inay kasoo qeyb galaan dadweyne aad u badan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta war rasmi ah kasoo saartay goobta loo asteeyay bannaanbaxa, iyadoo sheegtay in lagu qaban doono garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium.
Sidoo kale, waxaa si weyn loo xoojiyay ammaanka guud ee caasimadda, gaar ahaan baraha koontaroollada laga soo galo magaalada iyo goobaha ay hay’adaha amnigu ka tuhmayaan in laga soo abaabuli karo falal rabshado ah.
Goobaha sida gaarka ah ammaankooda loo adkeeyay waxaa ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, Koonis Stadium, degmooyinka Hodan, Yaaqshiid, Howlwadaag, Wardhiigley, Boondheere, Dayniile iyo deegaanka KM4.
Waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa caawa si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyadoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo si gaar ah loogu diyaariyay ka hortagga rabshadaha muddaharaadyada.
Ciidamadan, oo wata qalabka ka hortagga dhagxaanta iyo rabshadaha, ayaa lagu daadiyay goobaha muhiimka ah si ay u sugaan amniga iyo badqabka shacabka.
Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay inay mas’uul ka tahay sugidda ammaanka bannaanbaxa, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.
Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo faah-faahiyay awaamiir culus oo soo baxay, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay fasaxday dibadbaxa, balse ay ka hortegi doonto in la carqaladeeyo amniga.
Muungaab ayaa xusay in dowladdu ogolaatay in mucaaradka iyo taageerayaashoodu ay isugu tagaan hal goob, isla markaana loo qorsheeyay garoonka Injineer Yariisow, halkaas oo lagu qaban karo isku soo baxa.
“Bannaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta. Ma jirto qof wax fowdo ah sameyn kara,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna hadlay, ayaa sheegay in dowlad ahaan ay ka hortegi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga caasimadda. Wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay qorsheynayaan inay khalkhal geliyaan xasilloonida dalka.
“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho. Ciddii bannaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay mucaaradka inay hub u qaybiyeen maleeshiyaad, ayna doonayaan inay kula dagaalamaan ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.
Go’aanka dowladda ayaa imaanaya iyadoo xubnaha mucaaradku ay is kala qaybiyeen, isla markaana isku fidiyeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay berri ku qaban doonaan bannaanbax ay diidan tahay Dowladda Soomaaliya. Mucaaradka ayaa isku kala qaybiyay degmooyinka Hodan, Dayniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.

