3 qodob oo halis ku ah DF oo la ogaaday inay yihiin ajandaha shirka maamullada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ayaa galay maalintii sadaxaad, waxaana maanta dibad joog ka ah Warbaahinta.

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa maanta diiradda saaraya sidii ay u wajihi la haayeen culeesyo siyaasadeed oo ay wajahaan dhamaan Maamul Gobaleedyada gaar sadax maamul gobaleed oo ku soo dhaw xiligii ay gali lahaayeen doorasho Madaxweyne iyo isbaheysiyo deegaanadooda ka abuurmaya.

Warar Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay laga helay ayaa soo sheegaya in Ujeedada shirka maamul gobaleedyada uusan aheyn sidii warbaahinta ka sheegeen Madaxda maamul Gobaledyada Bilaawgii shirkaan ee ahaa Ka tashiga Dastuurka, amaanka, siyaasadda iyo u Gurmashada dhibaatada ka taagan Beladweyne.

Dadkii aan la hadalnay oo ay ku jiraan xogheyno wax ka qoray Ajandayaasha Shirka ayaa sheegay in Ujeedada Shirka ay tahay Codsiyo ka yimid 3 maamul Gobaleed oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed kuwaas oo sheegay iney wajahaan Culeesyo uga yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sadaxdaan Maamul Gobaleed oo ay deegaanadooda ka dhaceyso dhamaadka sanadkaan iyo bilawga Sanadka 2019 doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaysa siyaasiin Soomaalida Kenya degta ah ay Abuureyso siyaasiin la wareega Talada Maamulada kuwaas oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya waxaana malaayiin lacag ah ku bixinaya Gadar sida ay hadalka u dhigayn.

Xubnaha Shirka soo qaban qaabiyay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Ajandaha Shirka ay ugu wayntahay 3 qodob oo kala ah.

  1. Ka feejignaanta fargelin Dowlada dhexe ay ku sameyso doorashada deegaaanada Maamul Gobaleedyada
  2. In Cabasho Beesha Caalamka looga Gudbiyo Dowladda Soomaaliya laguna cadeeyo ineysan la shaqeyn Karin Maamul Gobaleedyada.
  3. Iyo dhamaan Maamul Gobaleedyada ay Xiriirka U jiraan Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen iney ku xadgudubtay Dastuurka, sidoo kalane fulin weysay qodobo lagu heshiiyay Bishii October 2017.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gees oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Shalay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda waxa uuna ku tilmaamay dad facebook isticmaala oo aan waxba ka aqoonin Waajibaadka Dowladnimada.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Masuuliyiinta shirka ku sugan ayaa sidoo kale weeraray Madaxda Dowladda, hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ayuu kula taliyay inay wadashaqeeyaan hadii aysan isku duubnaanina ay xaaladooda sidaan kasii adkaan doonto.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale ku taliyay in laga feejignaado talaabooyin uu sheegay in hore ay u dhaceen hadana ay taagan ka taagan Jubbaland lana xisaabtamo Dowladda Federaaka ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shirka marti gelinaya hadal kooban uu jeediyay masoo hadal qaadin culeesyada Siyaasadeed iyo Cabashada Madaxweynayaasha kale ay qabaan, dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya waxay Shariif Xasan ku tilmaamaan hogaamiya aan warbaahinta ku soo bandhigin aragtidiisa Siyaasadeed mana jirto hadal adag oo diiwaanka u galay tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale si degan u hadlay waxa uuna diiradda saaray oo kaliya wadashaqeyn iyo is faham in la helo ay tahay lama huraan , sidoo kale fatahaadaha ka jira deegaanka HirShabeelle ayuu ka hadllay.

Shirkaan ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo maanta gelinka dambe waxaana laga soo saari doonaa War-Murtiyeed ku aadan Xaaladda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Kumliye

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com