DP WORLD oo soo saartay war cusub kadib diidmada Jabuuti ee xukunka London

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hadalka Jabuuti ee ah inaysan aqoonsaneyn goโ€™aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii goโ€™aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid โ€œsharci ah, oo weli taaganโ€

DP World ayaa sheegtayn in goโ€™aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti.
โ€˜
โ€œSida ay maxkamadda goโ€™aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ahโ€ ayay tiri DP World.

DP World waxay sidoo kale sheegtay in goโ€™aanka Jabuuti ay ku diiday goโ€™aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faaโ€™iiday.

Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay goโ€™aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News