26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Afhayeenka ONLF oo gaaray Addis-Ababa (Waa maxay qorshaha?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia gaaray Afhayeenka Jabhada ONLF Abdulkhadir Hirmooge (Cadaani) iyo xubno ka tirsan Jabhada.

Afhayeenka Jabhada oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan maamulka Soomaalida iyo Dowlada Ethiopia.

Afhayeenka iyo xubnaha ku wehlinaaya safarka ayaa marti qaad ka helay dowlada Ethiopia waxaana lagu wadaa in halkaa ay kuwada kulmaan madaxda ugu sareysa dowlada iyo kuwa ismaamulka Soomaalida.

Afhayeenka ayaa ka hor inta uusan tegin magaalada Addis Ababa ku dhawaaqay xabad joojin dhinacooda ah xili uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Hirmooge iyo xubnaha ku wehlinaaya safarka ayaa Inta ay ku sugan yihiin Magalada Adis Ababa kulamo gaar gaara la qaadan doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Ethiopia oo uu ugu horeeyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed iyo madaxda maamulka Soomaalida oo intooda badan xiligaani ku sugan magaalada Addis Ababa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Afhayeen Hirmooge uu hordhac u yahay wafdi heer sare oo ka tirsan ONLF kuwaasi oo kasoo kala bixi doona magaalooyinka Asmara iyo Nairobi.

Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho lagu wadahadalsiinayo Xisbiga gacanta ku haya ismaamulka Soomaalida iyo Jabhada ONLF, waxaana la filayaa in wadahadalka kadib Jabhada kasoo dhex muuqan doonto maamulka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalka dowlada Ethiopia ayaa u muuqda mid isbedelo hor leh u horseedi kara deegaanka Soomaalida oo maalmahaani laga dareemayay xasil daro.

- Advertisement -

Read more

Local News