Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku beel ah Mooto Bajaajle shalay lagu dilay magaalada Beledweyne ayaa galabta wuxuu ka dhacay magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen dagaalkan inuu ka dambeeyay kadib markii ay rasaas bilaabeen maleeshiyaadkan oo tan iyo shalay ku hareereysnaa saldhigga Booliska oo uu ku jiro askariga dilka geystay.
Dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaa wuxuu geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, sida ay inoo sheegeen wariyeyaal ku sugan magaalada Beledweyne oo soo xiganaya laamaha ammaanka.
Ehelada marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa Mooto Bajaajlihii shalay la dilay ayaa waxa ay sheegeen keliya inay ku qancayaan in loo toogto askariga dilay wiilkooda.
Wadooyinka qaar ee magaalada Beledweyne ayaa ilaa shalay waxa ay yihiin kuwa xiran, xaalada magaalada ayaa waxa ay tahay mid kacsan, iyada oo mar walba la filan karo dagaal.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaa hadda aanan soo fara gelin xiisada ka taagan magaalada Beledweyne, maadaama isaguba uu heysto culeys la xiriira mooshin ay ka wadaan Baarlamaanka Hirshabeelle.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]