Nidaamka dimoqraaddiga ah waxaa lagu gartaa doorashada matalaadda shacabka si isla eg cadaaladna ku dhisan iyo nidaamka xisbiyada badan una furan dhammaan dadka wax doorta iyo kuwa ladoorto, waxaa kaloo lagu cabiraa mudda xileedka cayiman ee madaxda lasoo doortay, iyo in dadka fahami karaan shuruucda, habraaca ka qayb galka siyaasada.
Tiirka ugu horreeya ee matalaadda shacabka ee cadaaladda ku dhisan waxaa ugu weyn isla-ekaanshaha tirada dadka la matalayo, iyo hab-raaca lagu miisaamo sinaanta mataalada shacabka waxaa ka mid ah, in tirada dadka kunool deegaannada xildhibaannada laga soo doorto siman yihiin, cabirka lagu ogaado miisaanka matalaadda cadaaladda ku dhisan waa helitaanka namabarka qoondada matalaada, ogaanshaha namarkan ayaa noqonaayo miisaanka matalaadda shacabka lagu cabiro.
Waxaa lagu helaa nambarka qoondada matalaadda shacabka, tirada dadka guud ee ku nool dalka waxaa loo qaybiyaa tirada xdhibaannada matalaya shacabka waxaa lahelayaa namabarka saxda ah ee qoondada matalaadda shacabka, sida ku xusan sahanka tira-koobki lasameeyay 2014-ka waxaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku nooshahay 12,316,895 qof, tiradan ayaa noqonaysa cabirka koowaad, tirada (275) xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa ah cibirka labaad, marka 12,316,895 loo qaybiyo 275 waxaan heleynaa nambarka qoondada mataladda shacabka (12,316,895/275= 44,788)
Nambarka qoondada matalaada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu noqday 44,788.
Waxaan halkan ku qeexeynaa qoondada matalaadda xildhibaannada Gobollada Soomaliya annagoo isticmaalayna namabarka 44,788.
Somaliland  78 Xildhibaan.
Awdal       673,263 ÷ 44,788 = 15 xildhibaan
W/Galbeed     1,242,003 ÷ 44,788 = 28 xildhibaan
Togdheer     721,363 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan
Sool         327,428 ÷ 44,788 = 7 xildhibaan
Sanaag      544,123 ÷ 44,788 = 12 xildhibaan
Puntland       24 Xildhibaan
Bari         719,512 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan
Nugaal       392,698 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan
GalMudug     29 xildhibaan
Mudug       717,863 ÷ 44,788 = 16 xildhibaan
Galgaduud   569,434 ÷ 44,788 = 13 xildhibaan
Hirshabeele  24 xildhibaan
Hiraan       520,685 ÷ 44,788 = 12 xildhibaan
Sh/Dhexe       516,036 ÷ 44,788 =12 xildhibaan
Banaadir        37 xildhibaan
Banadir        1,650,227 ÷ 44,788 = 37 xildhibaan
K/Galbeed     53 xildhibaan
Sh/Hoose       1,202,219 ÷ 44,788 = 27 xildhibaan
Bay          792,182 ÷ 44,788 = 18 xildhibaan
Bakool        367,226 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan
Jubaland      30 xildhibaan
Gedo        508,405 ÷ 44,788 = 11 xildhibaan
J/Dhexr          362,921 ÷ 44,788 = 8 xildhibaan
J/Hoose         489,307 ÷ 44,788 = 11 xildhibaan
Tirada dadka guud 12,316,895 ÷ 44,788 = 275
Shaxdan kor kusan waxaa lagu saleeyay matalaadda ku salaysan tirada dadka kunool deegaannada, waana habka caalamiga ah ee loo isticmaalo jaangoynta qoondada kuraasta matalaadda shacabka, waxaana laga isticmaala wadamo badan ay ugu horeeyaan Mareykanka, waa habka ugu fudud dadkana ay fahmi karaan.
W/Q: Abdirahim Ahmed Dhageey