SHARIIF Xasan ma dhiman ee waa uu dhuuntay (DFS maxaysan fahamsaneyn?)

Shaki kuma jiro in iscasilaada Shariif Xasan, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay tahay dhacdada loogu hadal hayn badan yahay beryahan, iyadoo ay sidaas tahay, haddana waxa la oran karaa arrintani waa muruqii laba suul oo ninba si ku ahaa.

Madaxda dawlada federalka oo khibrad yaridooda awgeed aan kala garan karin Qurac iyo Qadaw, waxay la tahay in dagaalka ay bilaabeen ay durba guulo ka gaareen. Anse waxan xasuusinayaa gabaygii macallin dhoodaan ee ahaa: “waa Gamboor geedka aad cuntaye haw malayn Gocor.

Si kale hadaan u dhigo, Shariif Xasan isuma casilin in laga adkaaday ama uu isdhiibay ee wuxuu isu-casilay si tiisu u meel marto oo doorashada Koonfur Galbeed loo dib dhigo ilaa xilli aan xataa xadidnayn.

Inkastoo odayaashii madax dhaqameedka Koonfur Galbeed ay arrintaas guddoon kasoo saareen, haddana wuxuu Shariifku weli arkayey in sida kaliya ee dhamaan murashaxiinta xalaasha ahi ku wada aqbali karaan in doorashada dib loo dhigo ay tahay isagoo madaxtooyada banneeya. Bal u fiirsada, waxa uu iska casilay waa madaxtooyadii Koonfur Galbeed keliya, balse weli iskama casilin guddoomiyenimadii Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada (GIDG).

Is-casilaadii Shariifka kadib, durba waxa isasoo taraya baaqyada maslaxad raadiska ah oo lagu dalbayo in doorashada dib loo dhigo, kuwaasoo murashixiintii badankood iyo xubnihii baarlamanka Koonfur Galbeed intooda xorta ahi ku taageereen guddoonkii madaxdhaqameedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kalena maadaama guddigii hore ee doorashadu is-casilay, waxaa su’aal la geliyay suurta-galnimada ah in guddi cusub lagusoo dhisi karo maalmaha kooban ee ka haray 17-ka November.

Siyaabahaas dartood, bal aan dhawrno maalmaha inagu soo fool leh oo kala caddayn doona:

A) In Shariif Xasan uu dhintay siday DF qabto, waa haday doorashadu ku qabsoonto xilligeediiye iyo

B) Inuu Shariifku dhuuntay siday dadka yaqaan qabaan, waa haday doorashadu ku qabsoomi weydo xilligeediiye.

W/Q: Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid