Waa kuma safiirka cusub ee Turkiga ee Soomaaliya?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Rajjeb Dayib Erdogan ayaa magacaabay safiiro iyo lataliyaal sare oo xafiiskiisa ah, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Turkey.

Mehmet Yılmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkey u fadhin doono dalka Soomaaliya, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Olgan Bekar oo muddo ka shaqeynayay Soomaaliya.

Mr Baker, ayaa lagu xasuusan doonaa sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyay madaxda Soomaalida, waxaana uu ahaa ruux dabeecad ahaan aad u wanaagsan sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay.

Madaxweynaha dalka Turkey ayaa badalay safiiro badan oo Turkey uga wakiil ahaa dalalka Greece,Somalia,Morocco,Paraguay,Mali iyo Benin, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo xilalka kala wareegi doona safiirada ka horeeyay.

Turkey ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya waxii ka dambeeyay abaartii xooganeyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2011, waxaana Erdogan uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee heer caalami oo Soomaaliya yimaada xiligaasi, isaga oo Ra’iisul wasaare ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa helay fursado kale oo daka Turkey ay ku tagi karaan, maadaama Turkish Airline ay noqotay diyaaradii ugu horey ee caalami ah oo Burburka kadib duulimaad ka bilowday magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro dano qarsoon oo Soomaaliya uu ka damacsan Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
Caasimada@live.com