Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in gaadiidka aan buuxinin sharciga Gaadiidka dhulka marnaba ka shaqeyn doonin magaalada Muqdisho.
Wasaaradda gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay mashruuc cusub oo loogu gogol xaarayo Tijaabada badqabka gaadiidka, waxaana la sheegay in la doonayo ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in gaadiid walbaa uu mari doono tijaabada Mashruucaan, waxaana gaadiidka dadka wada laga dalbaday inay sharciga u hogaansamaan.
“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.
Wasiirka Gaadiidka ayaa sheegay in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay kor u qaadidda aqoontooda si ay u ilaaliyaan nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.