25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: Jeneral Morgan oo ballan-qaadkiisa ugu weyn ka dhigay dagaal uu la gali doono…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ahaa musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee maanta khudbadda u jeediyey xildhibaanada ayaa ballan-qaadkiisa ugu weyn ka dhigay dagaal-gal.

Morgan ayaa wacad ku maray in haddii madaxweyne loo doorto in gobol ka mid ah gobollada Puntland uusan sii maqnaan doonin oo uu dhammaantood kusoo celin doono gacanta maamulka.

Mamaulka Puntland waxaa hadda ka maqan laba gobol oo ay sheegtaan oo kala ah Sool iyo Snaaag, oo xoogooda ay gacanta ku hayso Somaliland.

Morgan ayaa sheegay in soo celinta gobollada ka maqan ka sokow, in haddii la doorto, aysan dhici doonin xitaa mar kale lasoo haweysto gobol kale oo Puntland ay gacanta ku hayso.

Waxa uu sheegay inuu dhisi doono ciidan awood leh, oo aad looga cabsado, isaga oo isku haleynaya aqoonta uu uleeyahay ciidamada.

Inta badan musharaxiinta Puntland ayaa ku olole gala inay soo celinayaan gobollada ka maqan Puntland, hase yeeshee marka ay xafiiska yimaadaan kama dhabeeyaan.

Hoos ka dhageyso codka Morgan

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News