Bandow lagu soo rogay magaalada GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa ay doorashada maamulku ka dhacayso.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhaceysa maalinta talaadada ee berri ah.

Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo inay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta.

Talloobooyinkan ayaa looga gole leeyahay in la sugo amniga, ayada oo laga cabsi qabo in weeraro ay ka dhacaan magaalada, oo kooxaha argagxisada ay fuliyaan.

Hoos ka dhageyso codka taliye Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com