Ciidamo isku gadaamay oo xiray hotel uu kulan ku lahaa xisbiga WADAJIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ku gadaantay hotel Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in hotelka uu maalmahan kulamo uga socday xubnaha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo dowladda ay doonayso inay ka hor-tagto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in amar ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-Mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee kaadirka Xisbiga Wadajir.

“Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com