Dagaal u dhaxeeyay HirShabelle iyo guddoomiye ku xigeenkii Sh/Dhexe oo ka dhacay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle iyo ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere, waxaana ka dhashay khasaare.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka HiShabelle oo joogay koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo magaalada, islamarkaana sidaas uu dagaalku ku bilowday.

Nuur Dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga magalada Jowhar, hase yeeshee loo diiday in uu magalada Jowhar gudaha u galo.

Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeneey iyo nin oday ah, ayaa dagaalka ku geeriyooday.

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay  koontaroolka laga soo galo magaalada Jowhar ee ku yaalla wadadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar iyo sababta loogu diiday Nuur Dheere inuu magaalada soo galo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com