Doorashada Puntland oo bannaanka keentay laba wejiilenimada mucaaradka DF

Berri waxaa Garowe, xarunta maamul gobolleedka Puntland ka dhici doonta doorashada Madaxweyne iyo ku xigeen ee maamulkaas.

Diyaar garowga iyo loolankii adkaa ee ay mudada bilaha ah soo wadeen musharixiinta 30-ka badan ee berri baratami doona waxaa hareer socday ol’oleyaal iska soo horjeedda oo ka baxsanaa maamulkaas balse quseeyey.

Dowladda dhexe, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka iyo Qatar oo kala taabacsan ayaa ku dagaalamayey garoonka berri abbaare 12-ka duhurimo lagu kala dareeri doono oo ay ciddi libinta la hooyan doonto.

Taas oo ay jirto, waxaa si cad bannaaka u yimi laba wajiileynta kooxaha mucaaradka ah marka ay timaado waxyaabaha ay ku dhaliilaan oo ay qalalaasaha aan loo baahneyn u galiyaan dowladda dhexe.

Maxaa ka mid ah?

Ku eedeynta dowladda faragalinta doorashooyinka maamulada!

Waxaa hadda laga soo kabtay fowdadii ka dhalatay farogalintii ay dowladda ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taas oo ay mucaaradka aad uga qeyliyeen xilli ay abuureen jawi colaadeed maadama ay hadallo kicin ah iyo iska horkeenidda dowladda iyo shacaka Koonfur Galbeed ay aad ugu dadaaleen.

Dhibta arrintaas ka dhalatay waxa ay gaartay heer rabshado ka dhacaan Baydhabo iyo Wasiir caro darted isu casila.

Kicintii iyo durbaan tuhunkii mucaaradka haddii ay markaas u muuqdeen samo ka talis, soo ma ahayn in go’aankoodii ku taagnaadaan oo ay Puntland-na difaacaan?

Walow Puntland muujisay isku filnaan, iska dhicisay dowladda ugu yaraan faragalinta muuqata, hadana awood u ma laha in ay faragalinta dadban iska caabiso, tusaale, waxaa Garowe loo diiday Wasiirada, laakiin waxaa joogaa xildhibaanno aan ka saameyn yareyn kuwa la diiday sida; Jangeli, Cali Xoosh, Da’uud iyo Waaberi!

Dulucda qormadeyda waxa weeye, isla mucaaradkii shalay ka qeylinayey faragalintii Baydhaba ayaa maanta dowladda ku dhaliilaya maxay Garowe u faragalin weysay!

Siyaasiyiin mucaarad ah oo aad loo yaqaan ayaa kaga khudbadeeyey xafladdii uu Xasan Sheekh ugu daahfurayey xisbigiisa xaruntiisa cusub ayaa uga khudbadeeyey in siyaasadda dowladda ee  ku wajahan Koonfur Galbeed iyo Puntland muuqato – mid qabsaneyso doorasho xor ah midna la qasbay!

Senetor ka mid ah Aqalka Sare ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay u caddaatay Puntland awoodeeda balse Garowe aysan ahayn Baydhabo! Sentor-ka waa reer Koonfur Galbeed!

Mucaaradka waxaa la rabaa in ay ka jawaabaan, haddii faragalintii Baydhabo xaaraan ahayd, maxaad ugu durbaan tumeysaan faragalinta Garowe ee xalaaleeyey!?

Waxaa halkaas ka cad! Laba wajiilenimda mucaaradka!.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid