UK ma Somaliland ayey aqoonsatay? – Wasiirka difaaca dalkaas oo qoraal yaab leh soo dhigay twitter

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa abuurtay shaki ku saabsan in Somaliland ay u aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya, kadib tallaabo uu qaaday wasiirka gaashaandhigga dalkaas, Gavin Williamson.

Wasiirka oo shalay booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal yaab leh oo uu Somaliland ugu yeeray inay tahay dal.

 

Waxa uu yiri Williamson “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”

Lama yaqaan waxa uu Gavin Williamson ula jeedo inuu Somaliland ugu yeero dal. Waxaan sidoo kale caddeyn, in qoraalkan uu yahay mid  isaga ku gaar ah iyo inay la wadaagto dowladdiisa.

Xiriirka Soomaaliya iyo UK ayaa dhowaanahan xumaa, ayada oo Britain ay ka carrootay in Soomaaliya ay cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom.

Ayada oo taas ka jawaabeysa ayaa Britain waxa ay qortay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka QM oo sabtidii lagu sheegay in golaha uu ka xun yahay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, khilaaf yar oo dhacay uma muuqato in UK uu ku hogaamin karo inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay sharaxaad ka dalbato xukuumadda London.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com