25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Muqdisho: Meydadka 4 qof oo si yaab leh loo dilay oo maanta lasoo dhigay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 qof oo la soo dhigay.

Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah, oo indhaha ka xiran, kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda.

“Dilka ka sokow, waxaa dadka aad uga yaabiyey qaabka loo dilay ee kadibna indhaha looga xiray” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Waxaan weli caddeyn in dadkan ay yihiin dad degan xaafadda Ceelasha iyo in magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga soo kaxaystay kadibna markii la dilay halkaas la dhigay.

Dadweyne farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay goobta meydadka ay yaalaan, ayada oo dadka ay isku dayayaan inay aqoonsan karaan iyo in kale.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta meydadka lasoo dhigay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan cidda ay yihiin dadka la dilay iyo cidda fulisay dilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News