27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“DF Soomaaliya dhankeeda waxaan ka dooneynaa inay waxyaabaha qaar dabciso”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay kulamadii ka dhacay magaalada Garowe iyo isku soo dhawaanshaha laga dareemayo madaxda dhexdeeda.

Aqoonyahanada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan mar haddii madaxdii wax kala tabaneysay muddooyinkii ugu dambeeyay ay hal meel ku wada shireen.

Aqoonyahan Axmed C/risaaq Qamsa oo kamid ah aqoonyahanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhanka dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay damacsanaan muujiso.

Wuxuu sheegay dabacsanaantaasi ay keeneyso isfaham iyo heshiis dhexmara madaxda Soomaaliyeed ee xukunka haya iyo kuwa aan heyn ee dhaliilsan hanaanka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

“Haddii wadahadal uu bilowday waxaan rajeeneynaa in heshiis iyo is afgarad la gaaro, sidoo kalena dowladda waxaan ka rajeeneynaa iney dabcin doonto dhanka wadahadallada”ayuu yiri aqoonyahanka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe ayaa muujiyay waji cusub oo Siyaasadda Soomaaliya ay gali karto, maadaama isku soo dhawaansho ay muujiyeen dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News