Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaasi oo ay booqasho rasmi ah uga billaabatay.
Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bujumbuura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Mudane Pierre Nkurunziza.
Safarka madaxwweynaha kusoo aaday iyadoo qorshaha uu yahay in 11 maalin kadib ciidamo ka socdo Burundi oo ka tirsan Amisom ka baxaan Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay dhanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka, xiriirka labada dal iyo bixitaanka ciidamada Burundi.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]