29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

R/W Kheyre oo iclaamiyay nooca siyaasiyiinta dalku u baahan yahay (Daawo)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarinta, Midnimada iyo dhab u heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed ay door weyn ka ciyaareyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dowlanimo qurux badan, islamarkaana ay ka sugayaan dadka hogaanka u haya Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dalka uu u baahan yahay, siyaasiyiin mideysan una mideysan horumarinta dalka Soomaaliya, Abwaano, dhaliyari, Haween iyo shacabka uu isku duubma si loo gaaro dowladnimo qurux badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in dowladnimada kaliya laga sugo madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaanada baarlamaanka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Ugu dambeyn Xasa Cali Kheyre ayaa sheegay in loo baahan yahay aqoon iyo dulqaad badan oo loo yeesho sidii loosoo celin lahaa qaranimadii Soomaaliya.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News