War-Murtiyeed ka soo baxay Xisbiga
Xaflad si Heer Sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu Xusayey Sannad Guurradii 5 –aad ee ka soo Wareegtey Aas-Aaaskii Xisbiga Midnimo Qaran ayaa waxaa lagu qabtey Magalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro , Madaxda Xisbiyada ka dhisan Dalka , Bulshada rayidka, Odayaal, Culimaudiin iyo Marti sharaf lagu Casuumey Munaasbadaas .
Xubnihii ka Hadley Xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Naadiga Talo Wadaag Cabdulaahi Nuur Gacal , waxaana uu sheegey in Xisbiyada looga baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ka Gudbiyaan Nidaamka 4.5 kaasoo uu sheegey in uu Caqabad ku yahay Nidaamka Dowladnimo , sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Xisbiga Midnimo Qaran in uu ka shaqeeyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.
Xubnihii kale ee iyana ka hadlaey Xafladaas lagu Xusayey Sannad Guuradda 5-aad ee Xisbiga Midnimo Qaran waxaa ka mid ahaa Aadan Warsame Xaarato oo u mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Munaasabada, wuxuuna u soo jeediyey Xisbiga Midnimo Qaran in uu ka dhabeeyo magaca uu wato Xisbiga oo aj Midnimo oo uu isku keeno Ummada Soomaaliyeed .
“ Aad baan uga Xumahay in dalka uu yeesho Xisbiyo Badan waayo ummada Soomaaliyeed uma Baahna Xisbiyo Tira badan, hadii aan laga hortagin waxaa la mid noqonayaa Nidaamka 4.5 sidoo kale Xisbiyada hadii aysan Dalka u Horseedin Doorasho Qof iyo Cod waxay keeni kartaa in uu dib u dhac uu yimaado isagoo sheegey in Baarlamaanka uu marmarsiyo u helaayo in uu sameeyo Muddo Kororosi” sidaa Waxaa yiri Xildhibaan Zakeriye Xaaji Maxamuud
Sidoo kale waxaa Xafladaas ka Hadley Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxay u mahadcelisey Dhamaan intii isku soo dubaridey Xafladaa sidoo kale waxay u soo jeedisey Xisbiyada Wadanka haatan ka jira in Yeeshaan Wada shaqeyn islamarkaana ay dadaal u galaan sidii dalka Nabad lagu soo dabaali lahaa dhinaca kale waxay Tacsi u dirtay Ummada Soomaaliyeed iyadoo uga Tacsiyadeysey Geeridii ku timid Alaha u Naxatriistee Cismaan Cilmi Boqore.
Cali Maxamed Nuux Tima Jilac oo ah Xiriiriyaha Xisbiyada oo isna halkaa ka Hadley ayaa waxaa uu sheegeu in Bulshada Soomaaliyeed aysan marnaba qaadan doonin in Taako ka mid Dhulkooda la qaato, sidoo kale waxaa uu tacsi u direy Ummada Soomaaliyeed isagoo ugu Tacsiyadeeyey Geeridii ku timid Alaha u Nxariistee Cismaan Cilmi Boqore .sidoo kale waxaa Munaasabdaas ka Hadley Gudoomiyaha Hayada la talinta Xisbiyada iyo Dimoqaraadeynta Faarax Dharaar wuxuu isna hambalyo u direy Xisbiga Midnmo Qaran.
Ibraahim Seyfulaahi oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Midnimo Qaran oo ka Hadley Xafladaas ayaa ka warbixiyey Xaaladihii uu soo marey Xisbiga Midnomo Qaran gaar ahaan Shantii Sanno ee uu Xisbiga uu dhisnaa waaa uu sheegey in Xisbiga u jeedkiisu yahay sidii Dalka Somaaliya uga dhici lahayd Doorasho Qof iyo Cod kaasoo uu sheegey in lagu gaari karo Horumar .
Ugu Dambeyn waxaa Munaasabadaas lagu Xusayey Sannad Guurada 5-aad ee Xisbiga ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Midnimi Qaran Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi waxaa uu u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Xaflada isagoo sheegey in ujeedka Xisbiga uu yahay sidii Dalka looga Gudbi lahaa Nidaamka dib noo dhigey ee 4-.5 sidoo kale waxaa uu ku Booriyey Xisbiyada kale ee Dalka ka jira in qof kasta waxa uu qabtey lagu abaalmariyo iyadoo intii ay socotey Munaasabadaas waxaa Heeso Wadani ah ka qaadey Fanaanada weyn Muslimo Qaasimo Hilowle
Ugu dambeyn waxaa Munaasabadaas laga soo saarey War Murtiyeedkaan
Xisbiga Midnimo Qaran waxaa uu hambalyo u dirayaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga, xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga meel walba ay joogaan, dal iyo dibad, sanadguuradi 5aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay xisbiga
Xisbigu wuxu ugu baaqaya dhamaan ummada soomaaliyeed dhawridda midnimada qaranka, iyo isku duubnida bulshadeena
Sanad guurada 5aad ee xisbigu waxay ku soo beegmaysaa iyada oo uu dalku marayo marxalad adag oo ay khataro badan ku hareeraysan yihin :-waxaana Xisbiga uu soo saarey Qododbadaan
- Xisbigu wuxu ugu baaqaya dhamaan umada soomaliyeed dhawridda midnimada-qaranka, iyo isku duubnida bulshadeena .
- Waxaan ugu baaqeyna hoggaanka sare ee dawladda inay hormuud ka noqdaan sareynta sharciga,maamul wanaagga, daaddajinta federaalaynta, kala qaybsanaanta awoodaha hay’adaha dawladda iyo ilaalinta madax banaanida garsoorka. Waxaa kale uu ku baaqayaana adkeynta midnimada dalka iyo dadka, kobcinta wada-tashiga mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta qaranka si wada-jir loogu wajaho marxaladda adag ee uu dalku maraayo
- Xisbigu wuxuu ku baaqaya ilaalinta xornimada aragti ee muwaadinka iyo xuquuqda bulshada, hannaanka dimoqraadiga ah iyo mabaadii’da dastuurka
- Waxaan ku adkayneynaa xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dastuuriga in si kama dambeys ah loo xiro albaabka awood qaybsiga ku salaysan beelaha loona gudbo doorasho qof iyo cod, taasoo ku saleysan nidaamka xisbiyada 2020. Waxaa muhiim ah in hawlaha xukuumadda ay ka muuqato, xisbiyada iyo shacabkana loo muujiyo ka dhabeynta hiigsiga doorashada qof iyo cod ee 2020ka
- Xukuumada waxaan ugu baqayna in hay’adaha dawladda loo abuuro nidaam xisaabeed hufan si looga hortago boobka hantida guud, maamul xumada, iyo musuqmaasuqa .
- Sidoo kale, Xisbigu wuxuu ugu baqayaa dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka inay uga danbeeyaan dawlada dhaxe arimha uu farayo dastuurka KMG ee dalka, waxa sidoo kale lama huraan ah in laga shaqeeyo dhisidda maamul hufan oo ay raali ka yihiin dadka deegaannada iyo kor u qaadidda daryeelka caafimaad, adeegyada waxbarasho, iyo kaabaysha dhaqalaha ee deeganada.Ugu dambeyntii Culimada waxaan ugu baaqeynaa inay xoojjiyaan wacyigalinta bulshada si dhexdhexaadnimo ah loogu fasiro Islaamka, lagana hortago kala qaybsaanta bulshada iyo seef-la-boodnimada Waxaan u rajaynayna dhamaan xubanaha xisbiga iyo umada soomaliyeed sannadkaan sanndkiisa inuu ilaahay nagu gaarsiiyo horumar iyo midnimo.