Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay iska raaceen magaalada Addis-Ababa oo kal sii horreysay oo maanta ah ay wada-hadallo ku yeesheen.
Qoraal kooban oo Villa Somalia ay soo dhigtay barta twitter-ka ayaa lagu yiri “Hadafka ugu weyn ee madaxweynaha waa inuu dib u soo celiyo oo la xoojiyo, xiriirka diblomaasiyeed ee Jamhuuriyadda Kenya”
Villa Somalia ma aysan bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan, hase yeeshee waxaa is-weydiin mudan waxa soo celinta xiriirka Kenya ay ku weyn karto Soomaaliya.
Kenya ayaa horey shuruud uga dhigtay in si loo soo celiyo xiriirka labada dhinac ay Soomaaliya ogolaato in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda badda ee labada dal.
Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Nairobi, waxaana wada-hadallada Uhuru iyo Farmaajo oo Abiy Ahmed uu goobjoog ka noqon doono ay furmi doonaan berri.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo dhex-dhexaadinaya labada dhinac.
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladii Abiy iyo Farmaajo dhex maray ay isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.
Qoraalka Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.”
Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo Abi weydiistay inuu uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal la gasho Kenya, si loo xaliyo xiisadda badda..
Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal.
Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]