26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Farmaajo oo la hadlayo baarlamaaka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamadii ugu badnaa la geeyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana la joojiyay adeegsiga gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Kalfadhiga Shanaad ayaa maanta ka furmayo xarunta Iskuul Buluuziya, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta maanta kulanka baarlamaanka uu ka furmayo.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kasoo laabanaya fasaxii ay galeen kadib xeritaankii kalfadhigii Afaraad, waxaana lagu wargeliyay dhamaan inay ka qeyb galaan furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida uu qabo dastuurka dalka furi doono kalfadhiga, waxaana laga filayaa inuu u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo howlaha horyaala baarlamaanka iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News