Wararkii ugu dambeeyey kulamada Nairobi ee DF ka dhanka ah oo xoogeystay

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socday maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeeday dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay waddeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta qaar.

Saacaddihii ugu dambeeyay Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, Madaxda maamul goboleedyadda iyo Beesha Caalamka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedda Nidaamka Federaalka oo beesha Caalamka ay ku bixisay dhaqaallo badan in uu dalka ka hirgalo.

Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ayaa Nairobi ku qabtay Kulamadii ugu ballaaran ee ay la qaataan xubnaha taageera Soomaaliya, waxaana qaarkood ay sheegeen in dhaqaallaha loogu tala galay Soomaaliya uusan soo gaarin bilooyinkii ugu dambeeyay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxdan ay beesha caalamka ku war-geliyeen inaysan la dhacsaneyn siyaasadda iyo habka dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaaminayso waqtigan.

Waxa ay sheegeen inaysan muuqan in dowladda ay dalka ka hir-gelin karto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu ballan-sanaa, islamarkaana ay ku fashilantay ammaanka caasimadda

Caddaadis ballaaran ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kala kulmeysa kulmado ka socdo Nairobi xilli horay Siyaasiyiin ku shiray Nairobi ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya ee hadda jirtaa ay ku fashilantay Sugitaanka Amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com