Somaliland oo dacwad ka gudbineysa BBC Somali

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, oo sidoo kalena ka mida jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska ayaa markii u horeysay shaaciyey inay Dacwad ka gudbinayaan idaacadda BBC Somali.

Mustafe Shiine ayaa sheegay inay Jaaliyada Somaliland ee Ingiriisku ay guddi u saaren arrimaha daba socodka laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, taasi oo uu sheegay inay cabashooyin badan ka muujiyeen dowlada iyo shacabka Somaliland.

“Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriisku waxay guddi u saartay arimaha daba socodka laanta afka Soomaaliga ee BBC-da taas oo dadweynaha Somaliland, dawlada iyo shacabkuba ay aad uga cabanayeen, guddidaasina waxay diyaarisay saxeexyo loo gudbinayo maamulka guud ee BBC-da, laanta afka Soomaaliga iyo qaybta Afrika” ayuu yiri Mustafe Shiine.

Wuxuuna intaas kusii daray “Saxeexyadaasi waxay toos ugu dhacayaan xafiisyada sar-sare ee BBC-da ilaa imikana waxa saxeexay dad ka badan 3000-qof, guddidii jaaliyadu saarayna way isku timid waxaanay go’aamisay hawl-galo cusub oo arintaas ku saabsan”

“Waxa kale oo na soo gaadhay cabashooyin kale oo ku saabsan laanta afka Soomaaliga ee VOA, marka hore-na waxaanu go’aaminay in arinta BBC-da aanu meel isla dhigno, ilaa hadana waxa bilaabmay xidhiidho ay nala soo samaynayaan mas’uuliyiinta laanta afka Soomaaliga ee BBC-da kuwaas oo meel fiican uu marayo wada-hadalku”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com