Xasan Sheekh oo ka hadlay dhacdadi dadka lagu laayay fariinna u diray Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dadkii xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo kasoo jeeday deegaanada Koofur Galbeed.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in loogu aar gudayay ruux lagu dilay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada NISA ee deegaanada Galmudug.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay dhibaatada ka dhacday magaalada Gaalkacyo, isaga oo tacsi u diray ehalada dadka waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu shacabka iyo madaxda Galmudug ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii loosoo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug,

Waxaana kadib la sheegay in dadka degaanka ay eryadeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com