25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Aqriso: Liiska magacayada odayaasha soo xuli doona xildhibaannada Jubbaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Liiska Odayaasha lagu dhawaaqay ayaa waxaa laga sugayaa inay si deg deg ah ku soo doortaan xildhibaanada maamulka Jubbaland.

Ergadan ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaashii wax ka soo xulay baarlamaanka federaalka ah  iyo Odayaal dhaqameedyo kale oo matalaya beelaha dega deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Odayaashani ayaa dhawaan tababar lagu baranayey habka loo soo xulayo baarlamaanka waxa ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada Jubbaland oo isugu jirta mida baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota Augusto ee sanadkan 2019-ka.

Musharraxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, kuwaas oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe oo doonaya in markale loo doorto xilkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News