29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay qaraxa xarunta G/Banaadir iyo dhaawaca

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
3 – Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi
4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
6 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye
7 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye.

Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo.

1 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay.
2 – Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame.
3 – Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.
4 – Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda.

Weerarka waxa uu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoo fariistay hoolka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay.

Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka.

Ma cadda ilaa hadda sida qofka ismiidaamiyey ay ugu suurtogashay inuu ka gudbo goobaha kontoroolka ee lagu baaro.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News