Meyd laga helay seeraha magaalada Boorama iyo xog aan ka helnay (Aqriso)

Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in qof meyd ah laga helay badhtamaha seeraha magaaladaasi.

Ninkan Meydka ah oo aan weli si rasmiya ah aan loo aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa ayaa waxa jidhkiisa laga dheehan karayey gubad baahsan oo ka soo gaaray dab, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah laamaha amnigu.

Ciidamada Dambi baarista oo gaaray goobtaasi meydka laga helay ayaa waxay ka bilaabaan baaritaan, kadib baaris dheer waxay meydkaasi u qaadeen qolka qaboojiyaha ee meydka lagu keydiyo ee Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama.

Caasimada Online oo la xiriirtay Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Maxamuud Raran ayaa waxa uu inoo sheegay in uu dib ka bixin doono faah-faahin dhameystiran kadib marka la soo af-meero baarista, isagoona xusay in xogta meydkan ay ciidamada soo gaarsiisay gabadh keenta caanaha magaalada Boorama.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in Ninkan meydka ah uu u dhintay gubad ka soo gaaray dab xoogan, balse ilaa hadda aysan si rasmi ah u xaqiijin in la gubay ama isagu is-gubay, isagoona hoosta ka xariiqay in baaristu socoto oo uusan ka hor dhaceyn.

Wixii kasoo kordha kiiskan isha ku hay oo kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com