25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sheekh Bashiir Axmed Salaad: “Waan ku qanacnay raali-gelintii CC Shakuur”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo wax uu ugu yeeray towbad keenka iyo raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay inaysan culumada si qaldan u fahmin hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse uu ahaa hadal gaf ku ah diinta Islaamka iyo beeninta xaadiith saxiix ah.

Wuxuu sheegay inuu Shiikh Bashiir ahaan ku qancay raali gelinta uu bixiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu tilmaamay inuu Cabdiraxmaan si joogta ah u aflagaadeeyo culumada balse aysan iyaga taas ka jawaabin ayna u taalo isaga iyo Allah.

Sheekh Bashiir ayaa xusay inaysan marnaba raali ka noqon karin in Diinta lagu xad gudbo ayna iyaga u taagan yihiin ilaalinta Diinta.

Hadalka kasoo baxay Sheekh Bashiir ayaa imaanaya xilli Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo duubay muuqaalo badan oo uu ku sheegayey inuusan beenin Axaadiista saxiixa ah ee laga wariyey Nabiga CWS.

Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo baxay Sheekh Bashiir

- Advertisement -

Read more

Local News