Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay howlaha dhismaha Galmudug oo ay dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka digey in doorasho khalalaaso keenta ay ka dhacdo Galmudug.
Waare ayaa sheegay in waqti badan ay qaadatay in maamul loo dhan yahay laga dhiso deegaannada Galmudug, hase yeeshee ay muhiimn tahay in la helo doorasho loo dhan yahay ,oo aan dhibaato ka dhalan lana musuq-maasuqin.
“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayaa ku daahday, tusaalaha Koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaaso ka dhasha oo la isku fahmi waayo ayuu yiri” Madaxweyne Waare.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Maamul Goboleedyada wadashaqyenta la leh ee Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelle oo kale uu noqdo maamulka loo dhisayo Galmudug si uu u dareemo dowladnimada.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1-aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee C/Casiis laftagareen oo lagu qabtay Baydhabo.