Deni oo IGAD kala hadlay doorashada 2020/2021-ka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan la qaatay wakiilka gaarka ee urur goboleedka IGAD u qaabilan arrimaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ahaa doorashooyinka soo socda ee la filayo in dhowaan ay ka dhacaan Soomaaliya, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu weli u jiro khilaaf u baahan in la xaliyo.

Labada dhinac ayaa isla qiray inay muhiim tahay in la gaaro xal siyaasadeed ka hor doorooshiyinka 2020/2021, si ay doorashada ugu dhacdo qaab xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale waxaa kulanka Madaxweyne Deni ergeyga IGAD ee Soomaaliya lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed  ee urur goboleedkaan uu ka taageero dowlad goboleedka Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada rayidka.

Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo ka waday gudaha magaaladaasi, isagoo la kulamy mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka France u qaabilsan arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ,Ambassador Aline Kuster-menager, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda dalka.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli mad madow siyaasadeed oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland uu u dhexeeyo labada dhinac.