Axmed Madoobe oo xiray nin xil wasiirnimo u doontay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la xiro Maxamuud Maxamed Ibraahim Geeleey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Jubbaland.

Mr Geeleey ayaa doontay xilka wasiirka garsoorka Jubaland oo ay saaxiibo yihiin Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in wasiirka uu Axmed Madoobe ku wargeliyay in wiilka xilka soo doontay ay macaamiil yihiin Xukuumadda Soomaaliya ayna ka bixisay waxbarasho dibadda ah iyo waxyaabo kalane uu kala shaqeeyay.

Wasiirka ayaa dalbaday in la xiro Mr Geeleey ama uu maamulka ku soo fasixi doono culeysyo badan oo siyaasadeed iyo mid amni, kuwaas oo ka imaan kara beesha uu wasiirka u yahay oo aan la dhacsaneyn maamulka Jubaland.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda qoyska Maxamuud, ayaa u tagay wasiirka garsoorka Jubaland oo Axmed Madoobe ka dalbaday in la xiro Maxamuud, waxaana la sheegay in ilaa hadda la isky fahmi la’yahay sii deynta wiilkaan xilka wasiirka doontay ee damacsanaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Garsoorka ee Jubaland.

Maxamuud Maxamed Ibraahim waa uu ahaa wiil dhalinyar ah oo aqoonyahaan ah waxa uuna aaminsanaa aragti ah in Jubaland iyo dowladda wada-shaqeeyaan iyo in beeshiisa ay ku dulmantahay maamulkaasi, isagoo damacsanaa xilka wasiirka Cadaaladda oo ay isku heyb yihiin, balse wasiirka ayaa la sheegay in uu yahay saaxiibka Axmed Madoobe islamarkaana uu bixiyay amarka xarigga ah isagoo soo maray madaxtooyada.

Odayaasha degaanka ayaa dalbaday in la sii daayo Maxamuud Maxmaed Geeleey halka Madaxweynaha Jubaland saraakiil ka socoto ay sii deysmadiisa ku xireen raali ahaanshiyaha wasiirka Cadaaladda oo ka soo sheegtay islamarkaana ah wasiirka ku matala kursiga beesha.

Jubaland ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo maamul waxaana isa soo taraya cabashada dadka degaanka iyo caburinta saaran beelaha iyo siyaasiinta qaar, waxaana arrintaan ugu wacan khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.