27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Sawirro: Burbur xoogan oo ka muuqda xarunta INJI ee hoggaanka Ahlu-Sunna

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Burbur xooggan ayaa ka muuqda xarunta INJI ee ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, halkaasi oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Xarunta ayaa waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda, kadib markii ay is-dhiibeen hoggaanka Ahlu-Sunna, hase yeeshee waxaa ka muuqda saameynta dagaalkii qaatay ku dhowaad 10-ka saac ee shalay ka dhacay.

Madaafiic xooggan iyo rasaas ku dhacday xarunta ayaa burburiyey inta badan, waxaana wararka ay sheegayaan in hoobiyeyaal badan ay ku garaaceen ciidamada dowladda.

Dagaalkii shalay ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

- Advertisement -

Read more

Local News