Qaar ka mid ah ciidamadii Jubaland ee Mandhera oo ‘usoo goostay’ dhanka DF

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay kusoo biireen qaar ka mid ah ciidamadii Jubaland ee ku sugnaa magaalada Mandhera.

Saraakiishan iyo ciidamada la sheegay inay soo goosteen oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in habeen ka hor laga keenay degmada Dhoobleey, kadibna loo gudbiyey dhanka Mandhera, oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale iyo xubno uu ka mid yahay wasiirka amniga Jubaland.

Ciidamada la sheegay inay soo goosteen ayaa ku warramay in loo sheegay inay cadaw la dagaalamayaan, sidaasna ay kusoo baxeen.

“Anaga waxaa na lagu soo kaxeeyey cadow la dagaalan, balse diyaar uma nihin inaan la dagaalno ciidamada xoogga Soomaaliyeed, sidaas ayaan kusoo baxnay uguna soo wareegnay dhanka Beled-Xaawo,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah ciidamadii hadaly.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo ahna madaxa amniga degmada Beled-Xaawo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in dowladda Kenya ay magaalada Mandheera kasoo abaabuleyso weeraro lagu soo qaado Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Mandheera ay yihiin kuwo weli mushaar ka qaata dowladda Soomaaliya lagana jari doonin, balse uu rajeynayo inay halkaasi kasoo tagaan oo yimaadaan magaalada Beled-Xaawo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Khamiistii ugu baaqday dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka dhageyso codka Cusmaan Nuur Xaaji