26.3 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

DF oo beenisay inay u yeertay safiir Jabriil, kana hadashay shirkii muranka dhaliyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa beeniyey warar lagu baahiyey warbaahinta oo sheegayay in dowladda federaalka ay u yeertay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, kadib markii uu ka qeyb-galay shir ganacsi oo ka dhacay magaalada Nairobi, kaas oo sidoo kale uu marti ku ahaa safiirka Israel ee Kenya.

Wasiir Dhaay oo khadka taleefanka kula hadlay warbaahinta Dawan, isagoo ku sugan magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabtay ka qeyb-galka Danjire Jibriil ee shirkaas, isla markaana aysan jirin wax khalad ah oo dhacay.

“Danjiruhu wuxuu ka qeyb-galay Avocado Africa 2026 Expo ee Nairobi isagoo gudanaya waajibaadkiisa rasmiga ah ee safiirka Soomaaliya ee Kenya. Wuxuu ahaa shir ku saabsan beeraha iyo ganacsiga, ma ahayn kulan siyaasadeed, mana jirin wax khalad ah oo uu galay safiirkeenna. Wararka sheegaya in loo yeerayna waa kuwo aan sax ahayn,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay.

Muranka ayaa ka dhashay qoraal ay Safaaradda Israel ee Kenya ku baahisay baraha bulshada, kaas oo lagu sheegay in safiirka Israel ee Kenya, Gideon Behar, uu si rasmi ah u furay daabacaaddii lixaad ee shirka Avocado Africa 2026. Safaaraddu waxay sheegtay in munaasabaddaas ay qeyb ka tahay iskaashiga Kenya iyo Israel ee horumarinta silsiladda qiimaha avocado-da.

Hase yeeshee, dokumentiyo ayaa muujinaya in shirkaasi ahaa bandhig ballaaran oo ku saabsan beeraha iyo ganacsiga, kaas oo ay ka qeyb-galeen dhowr safaaradood, wakiillo ka socday dowladda Kenya, shirkado wax dhoofiya, maal-gashadayaal, shirkado tiknoolajiyadeed, ganacsato dhanka gaadiidka iyo sahayda ah, iyo xubno ka socday ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Barnaamijka shirka ayaa muujinaya in Safiirka Israel ee Kenya Gideon Behar lagu qoray liiska martida muhiimka ah ee ka qeyb-gashay furitaanka rasmiga ah ee shirka Talaadadii, 26-kii May, isagoo ay la socdeen wakiillo ka socday wasaaradaha beeraha iyo ganacsiga ee Kenya iyo safaarado ay ka mid yihiin kuwa Peru, Mexico iyo Shiinaha.

Barnaamijkaas ayaa si gaar ah u muujinaya in Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, lagu daray qeybta hordhaca iyo khudbadaha soo-dhaweynta ee Arbacadii, 27-kii May, isagoo ay la socdeen wakiillo ka kala socday Uganda, Jordan iyo Portugal.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa isna warbaahinta Dawan u sheegay in ka qeyb-galkiisa shirka uu qeyb ka ahaa diblomaasiyadda dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana ujeeddadiisu ahayd inuu soo bandhigo fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee Soomaaliya.

“Waxaan halkaas u joogay in aan iibiyo ajandaha dhaqaale ee Soomaaliya, oo aan dalkeenna u soo bandhigo suuq soo baxaya oo leh fursado ku jira beeraha, kalluumeysiga, adeegyada sahayda, ganacsiga badda, kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tamarta la cusbooneysiin karo, isgaarsiinta iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Kenya ayaa ahayd dalka martida loo ahaa, waxayna xaq u leedahay inay casuunto cidda ay u aragto inay khuseyso. Ka qeyb-galka Soomaaliya wuxuu ku saabsanaa danaha Soomaaliya iyo diblomaasiyadda dhaqaale,” ayuu yiri Danjire Jibriil.

Khudbadda uu safiirku u diyaarsaday shirka ayaan wax tixraac ah ku sameyn Israel. Waxa uu diiradda ku saaray fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya, is-dhexgalka gobolka iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

“Soomaaliya maanta waa suuq soo baxaya oo adkeysi leh, kana buuxa fursado ku jira beeraha, kalluumeysiga, adeegyada sahayda, ganacsiga badda, kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tamarta la cusbooneysiin karo, isgaarsiinta iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay,” ayuu ku yiri khudbaddiisa.

Waxa uu sidoo kale ku casuumay maal-gashadayaasha iyo saaxiibada gobolka inay eegaan fursadaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan beeraha, kalluumeysiga, dekedaha, adeegyada sahayda iyo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Khudbaddiisa ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso daneeyayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ku lug leh ganacsiga, kaydinta qabow, warshadeynta wax-soo-saarka beeraha iyo maal-gashiga beeraha.

Ajandaha shirka iyo khudbadda safiirka ma muujin wax caddeyn ah oo sheegaya in Soomaaliya ay kulan laba geesood ah la yeelatay Israel intii uu socday shirka. Dukumentiyada la arkay waxay muujinayaan in shirka lagu qabtay Kenya, ayna ka qeyb-galeen safaarado iyo wakiillo kala duwan, maadaama uu ahaa kulan caalami ah oo ku saabsan beeraha iyo ganacsiga.

Sidaas darteed, sheegashada ah in dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle sababo la xiriira ka qeyb-galkiisa Avocado Africa 2026 Expo ayaa waxaa beeniyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Dokumentiyada la heli karo waxay xaqiijinayaan in safiirku ka qeyb-galay shirka, balse ma taageerayaan sheegashada ah inuu jiro khalad uu galay, tallaabo anshax-marin ah oo laga qaaday, ama kulan diblomaasiyadeed oo dhexmaray Soomaaliya iyo Israel.

- Advertisement -

Read more

Local News