Muqdisho (Caasimada Online) – Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj) ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwadda loo haysto.
Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhawaan sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, isaga oo xusay in hay’adaha caddaaladdu ay dhammaystireen habraacyadii la xiriiray baarista kiiska.
Maxkamadeynta oo subaxa hore ee berri ka bilaaban doonto hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigi doonaa eedaha rasmiga ah ee loo haysto Sacdiyo Macallin, waxaana kamid ah kicin bulsho.
Xoghayaha Golaha Samatabixinta, Maxamed Aadan Koofi oo qoraal kasoo saaray Maxkamadeynta gabadhan dhalinyarada ah ayaa shaaca ka qaaday in ay ay garab istaagi doonaan, isla markaana ay tegi doonaan Maxkamadda, wuxuu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inay garabkeeda buuxiyaan.
“Sacdiyo Macallin (Bajaaj) waxay u xiran tahay oo berri maxkamad lagu saarayaa kaliya in ay tiri “Madaxweyne waxaan u baahanahay inta gabadhaadu u baahantahay!” Waxaan garab taaganahay dhibbane Sacdiyo Bajaaj, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada in la garab istaago oo la tago maxkamadda,” ayuu yiri Musharrax Koofi.
Sidoo kale, wxuu farriin culus u diray bahda Garsoorka oo uu ka dalbaday inay u hiiliyaan cadaaladda, si loogu kala baxo sharciga.
“Garsoorka dalka waxaan ka rajaynayaa in ay caddaaladda u adeegi doonaan, xorriyaddeedana ay u celin doonaan Sacdiya Bajaaj,” ayuu sii raaciyay.
Si kastaba ha’ahaatee, Kiiska Sacdiyo Macallin Xasan oo xasaasi ah ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyada oo laga war sugayo go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir.

