Madaxweyne CALI MAHDI: “Musmaar sumeysan”.!!

Shirar badan ayey qabteen Muddulood inti ay dhismeen dowladihi isdaba yiilay cid colaad u aragtayna waa yareed…Laakin shirki dhacay malamahaan maxaa kuwi hore ka beddelay oo sababay inay qaylo dhaan badan ka timaado siyaasiyiin qaadan waayay inay reer Banaadir dareemaan darxumada lagu haayo, kana shiraan sidi wax la yeeli lahaa.

Arrinta waxaa aad u murjiyay oo soo toosiyay kuwa filaayay inuu Muddulood weli hurdadi ka soo toosin, wixi la doonanana lagu fulin karo..waxaase siyaasiyiinta qaarkood xanuunijay soo noqoshadi Cali Mahdi oo ku naqday MUSMAAR SUMEYSAN oo muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono wadciga manta jira.

Cali Mahdi waa halyey aan helin dadkii garab siin lahaa oo qorshaha uu damacsanaa la meel mari lahaa….kuwa manta qeylihaaya waxay ogyihiin in Cali Mahdi muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono sida ay howsha u socoto iyo weliba markow u adkeysan waayay sida ay wax ku wadaan Farmaajo & Kheyre ay khasb ku noqotay inuu dib ugu soo laabto masraxa oo ay daadsan yihiin dadkaan u baahan hogaan geesi ah oo kalsooni isku qaba. Badbaadi kara bulsho beledkoodi la boobaayo. Waxaana hubaal ah inaan shirka Muddulood la qabteen haddusan asagu soo fara gelin si gambasho la’aan ah ugu dhawaaqay inaan shir naloo diidi karin.

Halla ogaado cilmiyan inaan ummadi weligeed guuleysan haddi aysan lahayn ZACIIM HOGAAMIYA oo la wada oggol yahay, warkiisana  la maqlaayo…waxaa iga talo ah inaan raadsano hogaamiye geesi ah oo Ilaahey kaliya ka cabsada, howsha uu haayana ay tahay mid qaran oo ummad dulman lagu xureynaayo.

Marna yaan loo qaadan inaan yareynaayo ama yasaayo labadi Madaxweyne ee na soo maray Sheikh Shariif and Xasan Sheikh oo ah geesiyaal ka soo dhex baxay bulsho sumeysan oo qabiil waalay. Waxay fuliyeen howlo iyo mashaariic ciddi iyaga ka dambeysay ay ka caajiseen qaarna ku fashilmeen kaddib markii ay burburiiyeen dowlad goboleedyadi uu dhibaatada badan ka soo maray MW Xasan Sheikh, waana loo aqoonsan yahay guulahaas ee Ilaahey ha ka abaal mariyo asaga iyo Shariifka iyo inti kale ee gacan ka geysatay ee la garab gashay. Shacabkuna waa u aqoonsan yihiin haddii laga reebo inta yaro uurka ka jiran.

W/Q: Axmad Calasow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid