24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Video: Ahlu Sunna oo DF Soomaaliya ‘ku wareejisay’ hubkeeda iyo ciidankeeda

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda, tii magaalada Dhuusamareeb, masuuliyada hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan, General Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad ee eaybta 21-aad, kaas oo horay uga tirsanaa Ahlu Sunna.

Shaakir ayaa sidoo kale sheegay inay u tanaasuleen shacabka, si loo soo afjaro dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug

“Waxa aan u tanaasulnay shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimadaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibnay dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaan, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Shaakir.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ““Generaal Mascuud in uu la wareego ciidankii halkan joogay kabacdina masuuliyadda amniga dadka masuuliyiinta ah oo mashaa’ikhda ah uu masuul ka yahay oo uu ilaalinayo matalanba ilaalinta amnigooda ha noqoto ama ha noqoto wixii kale oo ay dadka u fulin jireen”

Genaral Mascuud oo hadda gacanta ku haya Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Ashcari) iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed oo saacadihii la soo dhaafay is dhiibay ayaa uga mahadceliyey Ahlu Sunna, sida ay mas’uuliyadda ugu wareejisay, isagoo tilmaamay inay qaaday tallaabo muhiim ah.

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa hadda degan, kadib markii ay saacadihii la soo dhaafay ku dagaaalameen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa dowladda oo ugu dambeyn la wareegay xarunta INJI oo ay daganaayeen hoggaanka sare ee ururkaasi.

Dhinaca kale warar heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya inuu haatan socdo dadaallo ay wadaan saraakiisha ciidamada oo la doonayo in lagu kulan siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo madaxweynaha Galmudug garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Galmudug oo muddo uu ku jirtay is jiid jiid ayaa hadda yeelatay weji kale oo dagaal, iyadoo siyaabo kala duwan looga fal-celiyay xiisada ka soo cusboonaatay maamulkaasi.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News