29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xaaf: Kululeysi yar baan ku maqnaa, ee waa tanaasulay oo la tuuray yaa la oran”

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheeganaya inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi.

Soo dhoweynta loo sameeyey Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa halkaasi.

Soo dhaweynta kadib, Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo loo soo galbiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug uu u sheegayo inuu ka tanaasulay xilkii madaxweynimo ee Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Xaaf ayaa sheegay in Khilaafka uu yahay fidno, fidnadana ay ka daran tahay dilka, wuxuuna sheegay inuu ku maqnaa xoogaaa yar oo kululeysi, ah sida uu sheegay.

“Wax badan ma aanan maqneyn xooggaa yar oo kululeysi ayay aheyd, hadana waxaa rajeynayaa Odayga waa tanaasulay ee waa la tuuray yaa la oran, saacadaan laga bilaabo Galmudug waa mid,” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Xaaf ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeenayo in hadda wixii ka dambeeyo ay reysato Galmudug isla markaasna aan loo baahneyn in dadka Galmudug ay isku sii dhaganaadaan.

Ugu dambeyntii Xaaf ayaa sheegay inuusan mar dambe u socon Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isla markaasna uu hadda kadib ka shaqeyn doono dhismaha waddooyinka iyo Dekadaha Galmudug, wuuxuna madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka codsaday inuu arrintaan ku garab istaago.

Dadaalo uu waday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee doorashadiisa khilaafka dhalisay ayaa ugu dambeyn u muuqda mid soo afjari karta Galmudug-tii ku caan baxday khilaafaadka iyo xasilooni darada siyaasadeed, isla markaana Madaxweyne Qoorqoor uu sameeyay tallaab wanaagsan oo uu isugu keenay dhammaan dhinacyadii diidanaa.

Haddaba halkaan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Xaaf

- Advertisement -

Read more

Local News